Saturday, 6 September 2014

SIRDOONKA & SOOMAALIYA (JAAJUUS) Qaybtii 1aad

AFEEF & DIGNIIN.

Yaan laga hor-boodin inta qoraalku soo socdo ama lasoo dhameystirayo cadeymaha.

Sirdoonka iyo Soomaaliya waa maqaal aan kaga hadli doono dhacdooyin cad cad oo aan u baahnayn in loo doono markhaati, kuwaasoo iyagu is fasiraya ama si cad u muuqanaya. Waxaan ku eegi doonaa sida dowladihii Federalka ahaa ee Soomaaliya soo maray iyo maamulada dalka ka jira iyo ururkii maxkamadaha Islaamka iyo weliba Xarakada Al shabaab iyo qaybo kamida ururada bulshada iyo saxaafada Soomaalida ay uga dhex muuqdeen Jawaasiis kusii kordhayay oo hadba meel ku fidayay, illaa ay soo gaareen inay dhex galaan meel badan oo aan kusoo qaadan doono qoraalka.


Shariif Sheikh Axmed wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay inta la xusuusto qof diin yaqaana oo daliilkeeda yaqaana oo hadana intuu bulshada ku hogaamiyo dariiqad diimeed oo weliba Jihaad Iclaamiya oo hadana beeniya inay aayaadkaas Illaahay kasoo dagay ee samawiga ah ay yihiin marin habaabin dadka Muslimiinta ah la marin habaabinayo. Marna wuxuu sheegay kuwii kasoo horjeeday ee gaalada la socday inay yihiin kuwa Illaahay Diintiisa ka tagay oo kamid noqday Gaalada ay la socdaan isagoo daliil dulsaaray. Hadaba aynu dhagaysano oo weliba daawano wuxuu isagu afkiisa ka yiri oo ay soo ururiyeen dadkii kasoo horjeestay aragtidiisa.


MA AAYAADKA RABI AYAAN CADEYN MISE SOOMAALIDU WAA MUNAAFIQIIN.

Waxay sheegtaan in badan oo Soomaalida kamida oo weliba culimo ahi inay yihiin Muslimiin Illaahay dartiis u taagan, halka ficilkooda & marin habaabinta ay dadka caamada ah ku sameynayaan aad ka yaabayso. Waxay sameeyaan daliil aan diin ku salaysneyn iyo eray bixin aan Illaahay aayaadkiisa ku qotomin. Waa halka uu Illaahay kor ahaaye inaku leeyahay suurada Al Cimraan, aayada 7aad.

Surat Al Imran. Aayada 7aad.

هُوَ الَّذِي أَنزَلَ عَلَيْكَ الْكِتَابَ مِنْهُ آيَاتٌ مُّحْكَمَاتٌ هُنَّ أُمُّ الْكِتَابِ وَأُخَرُ مُتَشَابِهَاتٌ فَأَمَّا الَّذِينَ فِي قُلُوبِهِمْ زَيْغٌ فَيَتَّبِعُونَ مَا تَشَابَهَ مِنْهُ ابْتِغَاءَ الْفِتْنَةِ وَابْتِغَاءَ تَأْوِيلِهِ وَمَا يَعْلَمُ تَأْوِيلَهُ إِلَّا اللهُ وَالرَّاسِخُونَ فِي الْعِلْمِ يَقُولُونَ آمَنَّا بِهِ كُلٌّ مِّنْ عِندِ رَبِّنَا وَمَا يَذَّكَّرُ إِلَّا أُولُو الْأَلْبَابِ

Eebe waa kan kugu soo dejiyey Kitaabka, waxaana ka mid ah Aayado sugan (Macnahoodu Cadyahay) oo ah Hooyada Quraanka (Asalkiisa) iyo kuwa kale oo isu eg, kuwa Qalbigoodu leexasho ku jirto waxay, Raacraacaan kan is shabaha (isu eg) doonid Fidmo (Xumaan) iyo doonid Ta'wiil (Leexin Fasir) darteed, wax og Fasirka (kaasna) Ma jiro Eebe iyo kuwa ku Xididaystay Cilmiga mooyee, waxayna dhihi waan rumeynay kaas, dhammaana wuxuu ka ahaaday Eebeheen agtiisa, mana waantoobo kuwa caqliga lch mooyee.




No comments: