Saturday, 17 August 2013
RAGOOW KIBIRKA WAA LAGU KUFAA KAAS HALA OGAADO (Illaahay ha u naxariisto Ahmed Shariif)
Waxaa hadeer la iisoo sheegay geerida Ahmed Shariif oo aahaa farsamayqaan ka tirsan farsamayaqaanada Radio Muqdisho. Ahmed Allaah ha u naxariiste, waxaa iigu danbeysay 2001 muuqaal ahaan, balse wuxuu ahaa nin niyad furan oo dadka oo dhami iskugu mid u yihiin, wuxuu ahaa nin u jilicsan ehel iyo asxaaba. Maanta 17 August 2013 subaxnimo ayaa lagu hortoogtay gurigiisa hortiisa. Axmed cid danbi kusoo oogtay oo maxkamad horkeentay ma jirin, Ahmed ma ahayn nin hubeysan oo isagoo weerar ku ah meel layska difaacay, Ahmed qof dilay iyo sababta loo dilay ma cada.
Arintani waxay u dhacaysaa iyadoo kan wax dilay iyo kan la dilayba aanay garanaynin sababta, waana caalamadaha yaabka leh ee aakhiru sabaan. Ma doonayo inaan kasii hordhoco siday wax u dheceen maadaama dilku uu mar dhoweyd saakay subaxnimadii Muqdisho ka dhacay hadana waxaan ka warsugayaa inaan helo warbixin dheeri ah.
Rabi how naxariisto,
oo ha u nuuro xabaasha,
nasiibkiisa ha geeyo,
Janadiisi naciima
Inaalilaahi, wa inaa illayhi raajicuun.
Subscribe to:
Posts (Atom)