Aniga iyo Boqoradeyda Hibo Mohamed Abdi midkeena Shaqo mooyee sheeko nama hayn. Balse calafka iyo nasiibku waa masalooyin aan la qiyaasi karin habka iyo qaabka ay ku imaan karaan. Waxaase calafku garwadeen ka noqday in shaqadii guud iyo gurmadkii dhadhaab & howlihii arimaha bulshada uu guur ka dhasho.
Dhadhaab waxay dhacdaa Koonfur Galbeed Soomaaliya dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya maamusho, waa xerada ugu weyn dunida oo noole bini'adam ah oo barkacayaal ahi ay kunool yihiiin. Murugadeydee dadkaasi waxay u badan yihiin dadyowga Soomaaliyeed ee geeska Afrika kunool oo tabaalaha dunidu ku xayndaabeen xeradaas murugadu ka muuqato ee Dhadhaab.
Aniga iyo Boqorada waxaan kawada shaqaynaynay qaybta arimaha bulshada ee Urur bulsheed Soomaaliyeed oo ay xubno ka yihiin Jaaliyadaha Soomaaliyeed. Waxaan dhanka kale howl gargaar ka wadnay Dhdhaab. Howlaha ugu badanina waxay ahaayeen sidii qaabka shaqo ee ururada bulshada Soomaalida UK wax looga badali lahaa oo aan illaa iyo hada ku howlanahay.
Maalin aanu ku guda jirnay howlahaas aan soo xunsay wadashaqayn & howl maalmeedkeenii shaqo kadib markii aan Iskoolka kasoo baxnay ayaan weydiiyay. Hibooy waadigan sidan u firfircoon oo u shaqada badan ee maad warka ii taabatid.
Jawaabtiiina waxay noqotay, walaal waxaan ku jiraa xiligii aanay dumar raga la hadli karin, waxaan u qaatay inay miskiinka is dhaafinayso. Waxaan ka baxnay Illinka Iskoolka oo ahaa Iskool kamida kuwa Dugsiyada Hoose ee Galbeedka London oo maalintaas aan ka shaqaynaynay. Waxaan dib ugu noqonay ka hadalka howlaha kale ee na horyaalay maalintaas oo ahayd howl aanu ugu soconay qaybta arimaha Caruurta iyo waxbarashada ee Hounslow Galbeedka London. Markii aan kasoo dhamaanay (Hounslow Council) oo aan usoo socono xaafada isku dhow oo aan aniguna maalmahaas la deganaa qoys aanu qaraabo nahay oo ay dhibaato dhanka caruurta ah ay heysatay. Boqorada oo aanan xiligaas cid malayn kartay in la caleema saari doonona ay degenayd.
Intii aanu soo soconay ayaan markale ku celiyay Hibooy walaal maad warkaaga ii taabato, markaas ayeey ii muujisay inay ku jirto marxaladii aanay dumarka la haasaawi karin ama aanay wax macluumaad ah siin karin marka laga reebo inay ku jirto mudadaas. Waxaan weydiiyay mar kale oo waa goorma xiliga mudadu ay kuu dhamaan doonto. Hadaba yaab lehe maalinta ay ii sheegtay ayaa ku beegnayd maalin aan u balansanahay inaan diyaarino warbixin aan ugu tala galnay qorshaha arimaha bulshada oo aan u xilsaarnayn aniga iyo Hibo. Kulankaas oo uu wadahadal iyo isfaham ka duwan shaqadii aanu u balansayn uu ka abuurmay, taasoo markii danbe dhalisay inaan qaadano go'aan guur sadex maalmood kadib markii uu xiligu u dhamaaday.
Dhacdadan oo qayb muhiim ah ka noqotay mustaqbalkayga ayaan hoobaladeeda kusso gabagabeyn doonaa HIDAHA GUURKA & HIMILADA DHAQANKA.
Waxaanse qormadan oo dhameystiran kusoo gudbin doonaa halkan.
http://vimeo.com/101542815

http://savedadaab.org/

No comments:
Post a Comment