Tuesday, 2 September 2014

DHADHAAB & DHAXALGAL GUUR.

Aniga iyo Boqoradeyda Hibo Mohamed Abdi midkeena Shaqo mooyee sheeko nama hayn. Balse calafka iyo nasiibku waa masalooyin aan la qiyaasi karin habka iyo qaabka ay ku imaan karaan. Waxaase calafku garwadeen ka noqday in shaqadii guud iyo gurmadkii dhadhaab & howlihii arimaha bulshada uu guur ka dhasho.

Dhadhaab waxay dhacdaa Koonfur Galbeed Soomaaliya dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya maamusho, waa xerada ugu weyn dunida oo noole bini'adam ah oo barkacayaal ahi ay kunool yihiiin. Murugadeydee dadkaasi waxay u badan yihiin dadyowga Soomaaliyeed ee geeska Afrika kunool oo tabaalaha dunidu ku xayndaabeen xeradaas murugadu ka muuqato ee Dhadhaab.

Aniga iyo Boqorada waxaan kawada shaqaynaynay qaybta arimaha bulshada ee Urur bulsheed Soomaaliyeed oo ay xubno ka yihiin Jaaliyadaha Soomaaliyeed. Waxaan dhanka kale howl gargaar ka wadnay Dhdhaab. Howlaha ugu badanina waxay ahaayeen sidii qaabka shaqo ee ururada bulshada Soomaalida UK wax looga badali lahaa oo aan illaa iyo hada ku howlanahay.

Maalin aanu ku guda jirnay howlahaas aan soo xunsay wadashaqayn & howl maalmeedkeenii shaqo kadib markii aan Iskoolka kasoo baxnay ayaan weydiiyay. Hibooy waadigan sidan u firfircoon oo u shaqada badan ee maad warka ii taabatid.

Jawaabtiiina waxay noqotay, walaal waxaan ku jiraa xiligii aanay dumar raga la hadli karin, waxaan u qaatay inay miskiinka is dhaafinayso. Waxaan ka baxnay Illinka Iskoolka oo ahaa Iskool kamida kuwa Dugsiyada Hoose ee Galbeedka London oo maalintaas  aan ka shaqaynaynay. Waxaan dib ugu noqonay ka hadalka howlaha kale ee na horyaalay maalintaas oo ahayd howl aanu ugu soconay qaybta arimaha Caruurta iyo waxbarashada ee Hounslow Galbeedka London. Markii aan kasoo dhamaanay (Hounslow Council) oo aan usoo socono xaafada isku dhow oo aan aniguna maalmahaas la deganaa qoys aanu qaraabo nahay oo ay dhibaato dhanka caruurta ah ay heysatay. Boqorada oo aanan xiligaas cid malayn kartay in la caleema saari doonona ay degenayd.

Intii aanu soo soconay ayaan markale ku celiyay Hibooy walaal maad warkaaga ii taabato, markaas ayeey ii muujisay inay ku jirto marxaladii aanay dumarka la haasaawi karin ama aanay wax macluumaad ah siin karin marka laga reebo inay ku jirto mudadaas. Waxaan weydiiyay mar kale oo waa goorma xiliga mudadu ay kuu dhamaan doonto. Hadaba yaab lehe maalinta ay ii sheegtay ayaa ku beegnayd maalin aan u balansanahay inaan diyaarino warbixin aan ugu tala galnay qorshaha arimaha bulshada oo aan u xilsaarnayn aniga iyo Hibo. Kulankaas oo uu wadahadal iyo isfaham ka duwan shaqadii aanu u balansayn uu ka abuurmay, taasoo markii danbe dhalisay inaan qaadano go'aan guur sadex maalmood kadib markii uu xiligu u dhamaaday.

Dhacdadan oo qayb muhiim ah ka noqotay mustaqbalkayga ayaan hoobaladeeda kusso gabagabeyn doonaa HIDAHA GUURKA & HIMILADA DHAQANKA.

Waxaanse qormadan oo dhameystiran kusoo gudbin doonaa halkan.




































http://vimeo.com/101542815


http://savedadaab.org/

Sunday, 3 August 2014

HALGAN GOBANIMO IYO HAWD JACAYL

Kaftan dhable

 Waayihii halganku wuxuu ahaa waayo farxad iyo rayn rayn ay kunaaloon jireen dhamaan dadyowga Soomaaliyeed ee Geeska Afrika kunool. Maadaama ay ku jireen halgan aduun iyo aakhiraba uu qofwalba ku naaloonayay inuu helayo shahaado sharaf aduun ama mid aakhiro. Qof walba oo uu qof kaga dhintay ama kaga dhaawacmayna wuxuu ku farxi jiray sharafta uu qofkaas geeridiisa ama dhaawiciisu u leeyahay gaar ahaan iyo guud ahaan bulshada geyiga. Waxaana waayahaas lagu faani jiray ka qayb galka halgankaas oo ahaa mid qofwalba uu niyad u hayay.

Halku dhega kore ee aan cinwaanka uga dhigay oo ah Halgan gobonimo iyo Hawd Jacayl ayaa kasoo jeeda, hoboladii Qaranka Soomaaliyeed oo soo bandhigay ruwaayad ka tarjumeysay halganka iyo mucaashiqiin is jeclayd oo haganka ka qaybqaatay. Mucaashaqiintaas oo in badan oo kamida ay rajeynayeen inay usoo laaban doonaan Jacaylkooda halganka kadib, inkastoo aanay nasiib u yeelanin oo ay ku dhinteen dagaalkii 1977.

Halganka dheer ee ay majaraha u hayaan Jabhada wadaniga Soomaalida Ogaadenya, wuxuu soo bilowday dhowr qarni kahor. Halgankan oo salka ku haya caqiido iyo dhul durugsi ayaa ah midaan marnaba laga heshiin karin, maadaama uu yahay damac aan ka duwanayn kan Yuhuuda ay ku heyso dadka reer Falastiin. Halganka oo soo maray marxalado kala duwan iyo magacyo kala duwan, waxaa  maanta u taagan oo u dagaalamayaan Jabhada Xoreynta Wadaniga Ogadeenya (ONLF) oo naf iyo maal u huray sidii ay u difaaci lahaayeen Shidaalka iyo Macdanta ay dowlada Ethiopia ka qodeyso degaanka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ethiopia oo dooneysa inay meel mariso hindisaheeda Shidaal qodista dhulka Soomaalida oo maray inay Ethiopia si qarsoodi ah shidaal ugala soo baxdo degaanka Soomaalida ayaa helay gabaad iyo kooxo u ololeeya difaacida danaha Ethiopia ay ka leedahay dhulka Soomaaliyeed oo uu Illaahay ku manaystay khayraad dabiici ah oo kala duwan. Hadaba si Ethiopia ay taas u meel mariso, waxay sameysatay kooxo MADIIDAYAAL AH oo u adeega danaha Ethiopia ay ka leedahay gobolka Soomaalida oo ay ka socoto Shidaal qodis. Waxaase weli hortaagan oo halgan kula jira Jabhada Xoreynta Wadaniga Ogaadenya oo dhowr goor weeraro ku qaaday goobaha shidaalka laga qodo.

Monday, 16 December 2013

MAXAA QARANKA BILICDUU LAHAA, BAHALO LOO SIIYAY (SHABEELLE RADIO IYO SHAN MAALMOOD)

MAXAA QARANKA BILICDUU LAHAA, BAHALO LOO SIIYAY (SHABEELLE RADIO IYO SHAN MAALMOOD)

Jabhada arimaha gudaha mise wasaarada arimaha gudaha ee Soomaaliya ayeeynu ugu yeernaa. Mar hadii wax walba ay suurogal ka yihiin oo ay wixii ay dhibsadaancadaalad la'aan iska xukumayaan sow lama oran karo waa istaahilaan tilmaamaha kore. Shan maalmood ku guura xitaa hadii ay sharci daro ku degen yihiin, sow sharci iyo xeer ma jiro, sow xushmad iyo xaqdhowr ma jiro, xitaa hadii ay qaldan yihiin sow maaha muwaadiniin in aan dalkooda lagu gumeysan oo aan awood loo sheegan xaq u leh maaha.

Hadaba hadii dhaqankiinu saas yahay, yeey tahay dadka aad u yeeranaysaan ee aad leedihiin noo kaalaya dowlad ayaa dhalatay. Sow ma ogidin in wargeysyada caalamka maalin walba ay fadeexadiina nagu ceynayaan oo nagu canbaaraynayaan. Magaciina alla bi'i waa tanoo kale, cilmi kasta iyo magaala kasta oo caalamka la geeyo, kuwa caanaha geela ku qaan gaaray, weligood geel jirenimadu kama ba'do.

XUQUUQDA OOGISTA IYO XUQUUQDA IS DIFAACIDA
(Rights to offend and rights to defend)

Aaway xuquuqdii soo Oogista iyo xuquuqda is difaacida, labadiiba ma jabhada arimaha gudaha ayaa qaadatay, aaway dhowristii aadaminimo iyo Islaamnimo. Waxay aniga illa tahay waa arin u baahan inaan maxkamad soo taagno wasiirka arimaha gudaha iyo duqa magaalada Muqdisho oo midna wareegtada amray, midna hore ugu dhaartay inuu hada soo xiri karo, isagoo aflagaadeeyay shaqsiyaad ka tirsan maamulka idaacada shabeelle.

Waa in sharcigu shaqeeyaa ee aanay shanta farood laysu isticmaalin. Waxaa kaloo sharci daro ah in ciidamadu ay weerar fuliyaan aan maxkamad soo amartay jirin. Waana waajib in arintani uu Raysal wasaaruhu ka hadlaa oo arintan uu wax ka yiraahdaa. Hadii kalena uu noo cadeeyaa inay meesha lama canaantaan aan lala hadlin joogaan.

Laga gudubyay Soomaalinimo, geesna loo dhaafye,
Garashiyo aqoon leyska dhaaf, leysna garab qaadye,
Maxay gocasho ii tari, hadaan gudan xilkii waayay.

Abdullahi Ali Hiirad
www.hiirad.net

MAAWEELO & MADADAALO

Naftu mararka qaybtood waxay u baahan tahay, kaftan iyo inay waqti qaadato. Bulshadana waxay u baahan tahay maaweelo.

Marka waxaan soo qaadanaynaa, ifafaalahaygii dhalinyaronimo iyo waayahaygii nololeed qayb kamid ah oo suugaameysan.

Licib dumar intii aanan baran,
Lugaha howshooda,
Inaan laabta eegoon xubnaha,
Libiq sadaa maaha?

Lugaheeda goortaan arkiyo,
Laba legdeynteeda,
Inaan leexo saaroon markaa,
Lalansadaa maaha?

Lahashada qalbiga igiga taal,
Lacistiyo howsha,
Inaan leydha doontiyo markaa,
Laqanyo daac maaha.

Abwaanka wax badan ayaa laga bililiqeystay marka inuu wada fatahmo ayuu diidayaa ee yaan loo dudin.

Waxaan u hibeeyay xubnaha sharafta leh ee Golaha Qaranka Soomaaliyeed oo goor iyo ayaan ila garabtaagan taageeradooda aan kala harka lahayn. Waxaan idiin leeyahay, waxaan idin oron dono maalinteeda.

Hayaanka ha inoo hagaago.

Abdullahi Ali Hiirad

Social & Political Acticist
info@hiirad.net
www.hiirad.net

Friday, 20 September 2013

TOLKA HEES MALOO TUMAY

Waxaa waayahan soo kordhaya xuduudo qabyaaladeed iyo xaafado qabiil oo sameeyay hanaankii iyo heybadii Qaranimo ee uu dalkeenu lahaan jiray, iyadoo ay barbar socoto dowlado Qaran oo lagu asteeyo astaan qabyaaladeed iyo dano shaqsiyadeed. Taasoo ay dheertahay in dowladihii kumeel gaarka ahaa ee dalka laga dhisay ay ahaayeen adeegayaal ka tarjuma dano shisheeye oo aadba moodo inayba u dhisan yihiin fulinta danaha shisheeye.

Dhanka kale waxaa la sameystay kooxo lagu dhex abuurtay kooxihii Islaamiyiinta ahaa, kuwaasoo u adeegaya hey'ado shisheeye. kuwaasoo geysta Dil, Qarxis iyo dhibaatayn loo geysanayo shacabkeena tabaaluhu la haray. Dhanka kale waxay sahlayaan sidii dalka loogu qabsan lahaa iyadoo la tilmaamayo in kooxna la difaacayo kooxna lagu duulayo. Halka ay xaqiiqdu tahay in labada dhanba lagu dhex sameystay kooxo fuliya danahaas guracan ee shisheeyuhu ku doonayo inuu dalkeena ku marin habaabiyo.





Markii waqtigu saamaxo ayaan inoo dhameystiri doonaa ee raali ka ohoow inaan idiin dhameystiri waayay hada.

Saturday, 17 August 2013

RAGOOW KIBIRKA WAA LAGU KUFAA KAAS HALA OGAADO (Illaahay ha u naxariisto Ahmed Shariif)

Waxaa hadeer la iisoo sheegay geerida Ahmed Shariif oo aahaa farsamayqaan ka tirsan farsamayaqaanada Radio Muqdisho. Ahmed Allaah ha u naxariiste, waxaa iigu danbeysay 2001 muuqaal ahaan, balse wuxuu ahaa nin niyad furan oo dadka oo dhami iskugu mid u yihiin, wuxuu ahaa nin u jilicsan ehel iyo asxaaba. Maanta 17 August 2013 subaxnimo ayaa lagu hortoogtay gurigiisa hortiisa. Axmed cid danbi kusoo oogtay oo maxkamad horkeentay ma jirin, Ahmed ma ahayn nin hubeysan oo isagoo weerar ku ah meel layska difaacay, Ahmed qof dilay iyo sababta loo dilay ma cada. Arintani waxay u dhacaysaa iyadoo kan wax dilay iyo kan la dilayba aanay garanaynin sababta, waana caalamadaha yaabka leh ee aakhiru sabaan. Ma doonayo inaan kasii hordhoco siday wax u dheceen maadaama dilku uu mar dhoweyd saakay subaxnimadii Muqdisho ka dhacay hadana waxaan ka warsugayaa inaan helo warbixin dheeri ah. Rabi how naxariisto, oo ha u nuuro xabaasha, nasiibkiisa ha geeyo, Janadiisi naciima Inaalilaahi, wa inaa illayhi raajicuun.

Wednesday, 22 May 2013

Codka Biruhu siday diintu tiri way caburayaane cisho aan fogeynbaa dunida caynka loo furiye.

Codka Biruhu siday diintu tiri way caburayaane cisho aan fogeynbaa dunida caynka loo furiye.

Sida diinteenu inoo sheegtay, dunida waxay soo gabagaboobi doontaa marka uu dhoco dagaalka kama danbeysta ah ee Muslimka iyo gaalada oo qiyaasta lagu wado inuu ka dhici doono ardu Shaam oo qiyaasta lagu sheegay Syria. Ifafaalaha dareenka leh ayaa waxay tahay in dunidu gashay marxalad adag oo dadka xilkaska ahi ku tilmaami karaan inuu yahay aduun saban aakhir. Marka laga eego dhacdooyinka yaabka leh ee gooraale ka dhacaya. Hadey tahay dil dagaal iyo fidnooyin dhinaca dhaqan xumada ah.

Hadaba Allaah kor ahaaye wuxuu ina faray in la raaco wadiiqooyin cad cad oo hadii ay idiin muuqdaan in sabanku yahay fidno layna faray. Waxaana ugu horeeya in laga hijroodo meelaha ay fidnooyinkaasi ka jiraaan.

Hadaba sideynu ognahay waxaa dalka Britan oo aan anigu maanta dadka kunool kamid ahay la fasaxay inay tahay wax sharci ah, inay wax aan diin iyo dhaqan iyo dabeecad aadami oo ogolaan kartaa jirin oo ah in rag xume wax iska dayi karaan ama is gayn karaan. Ifafaalahaas oo dhami waxuu muujinayaa sabanka la galay.

Saturday, 23 February 2008

Maanta 23/02/2008 Abaaraha 15:38

Maanta oo ay tahay 23/02/2008 Ayaan bilaabay qorista bogan oo ay u jeedadiisu tahay inaan ku keydiyo macluumaad iyo waayo nololeed iyo weliba marxalada dalkayga iyo dadkayga Soomaaliyeed. Waxay qaby ka tahay buugagtayda aan jeclahay inaan kaga waramo waayihii isoo maray iyo marxaladihii nolosha.

Waxaan rajeynayaa inay cid walba u furan tahay dhaliil iyo bogaadin hadba wixii ay la noqoto.